maskaxda bani aadamka

October 19, 2026 – 4 daqiiqo akhris

maskaxda  bani aadamka

lkaha u eg daruurtee ciridkaaga duxulka aa mawluhu ku daahiyo Debnaha duxusha moodee mar mar dib uga faydiyo Sanqaroorka soo degay

Indha deeraleeyeey Daymada xishoodka Markad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa oo layga darayaa Indho deeraleeyeey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu masaalyeey Da'da tii todaba toban Guga loogu darayeey Indha deeraleeyeey Dib timaha u dhacayiyo Dilimaaha dhabarkiyo Sida dixida xaada Dayrwaa ?? qaadkiyo Suniyaasha duuda ah Camaan doombir laayee Daymada xishoodka Markad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa oo layga darayaa Indho deeraleeyeey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu masaaleey Da'da tii todaba toban Guga loogu darayeey Indha deeraleeyeey Marka socdka dhamacdee Degenida talaabada Miisaanka lagu daro Laafyaha la daawado Dadku waxay yidhaahdaan May daarin ciidee Da'uus la moodyeey Daymada xishoodka Markad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa oo layga darayaa Indho deeraleeyeey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu masaaleey Da'da tii todaba toban Guga loogu darayeey Indha deeraleeyeey Heesta 2aad Ma salguuro caashaqee ani sibiq ma igu galay Intuu samada ila tageey saxar-qaadka fooraha dul sabee ma igu yidhi dhalanteed ma igu sabay soojeede maqanoon seexaneeyn ma iga dhigay Baydka LabbaadMa salguuro caashaqee ani sahal ma igu helay sambabadiyo feedhaha intuu surima kala baxay maku soofay xididada seediyo lafahiyo wadnihii ma sarayoo halistii ma sudhan yahay Baydka SaddexaadMa salguuro caashaquye ani sidiq ma ii dhigay Intuu soortii iga jaray suun adag ma igu xidhay ma isaaray heegada wax sanceeya mawloo saakay maygu wayn yahay suxuladaa ma ii dhigay

Heesta 3aad nin haween jeclaaday hawl iyo dhibaatiyo waayi maayo hadimee anoo kuu hanweynweyn baad halbowlaha i go'ysoo warba iima haysidee hadal tiro ma fiicne adoon iga haraadin maxaa kulaa hagaagsan inaan kaa hadhaan imika taladeed hayaa hadaynaan heshiinayn wa inaynu kala hadhnaa kala hawl yaraysanaa Baydka labbaad hedu way baxaysaa ilayn haybsan maaye aan kaa horeeyee haddii kale aan hoydoo halkii loo badnaa iyo aakhiro u hayaamee hadal tiro ma fiicne adoon iga haraadin maxaa kulaa hagaagsan inaan kaa hadhaan imika taladeed hayaa hadaynaan heshiinayn wa inaynu kala hadhnaa kala hawl yaraysanaa

heesta 4aad Baydka koobaad badniddaa habeenyoow baryi waaba waagii maxaan xalay baraarugay intuu igu balaadhuu beerkiyo calooshiyo wadne baalihiisii beer wayn ka jeexoo waxaan haatan uga baqan boga inuu wareemeebarkhad cas kaynu baraniyo boodhari sidiisii intaanlay bud dhigin wali ma iga baananaysa baydka labaadbaalalayda duushaan boostiyo waraaqaha boqol jeer u dhiiboo waxaan baalka ugu qoray kala baadnay baadnoo kala beela beela noqonayee barinayee ma barideen waxay tidhi balaayiyo baas maanu sheegine maxaa adiga kugu ba'an waxaan idhi bas baan ahay birtu ay dultaalee barkhad cas kaynu baraniyo boodhari sidiisii intaanlay bud dhigin maiga baananaysaa

Heesta 5aad Adduunyada nin dhoofiyo Ninkii degan dhulkii hooyo Nin dhergiyo nin dhowr qaday Aan dheef hayn Dhedig iyo laboodba Hawli kama dhamaatee Qof walibaa wixii dhibay Dhafoorkay ku taalaa Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Anba kuguma dhaafeen Haday taadu dheelido eh Maxaa dhacay dhankaagay Ka jiiftaa dhaliishuye Ma dhiirado nimaan garab Wax lagula dhisaynine Nafta dhool hilaaciyo Dhibic baa u muuqdee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Jacaylkeediii dhuuxiyo Lafaha wuu u dhaadhacaye Dhulkoo doog dhir iyo ubax Dhamaan hadheeyeen Dhawristeeda oo qudha Ayaan dhawr ku qadayaa Wali dhaban mid kula mida Kama dhalanin adduunkee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Qore Dhiiga -----------

Heesta 6aad Ma Is Aroosnaa-Fuaad Cumar dhuuli Indhahayga aragtidaada aadbay ugu farxaayaane adoo kale aadmigaba kumaan aragee ubax caro ka baxay iyo xidadiisu qalbiga kasoo baxay ayaad tahee axdi meel ma dhiganaa macaan mays aroosnaa Hablaheena kolkaan eego aado ugu ilwaad quruxey afkeygu amaantaada gacaloy u fududaayee inkastoo adduunyadu ay tahay ayaan qudha adaan kaa ishaartee axdi meel ma dhiganaa macaan mays aroosnaa Aduunyada nin dhoofiyo (M. Saleebaan Tubeec) Adduunyada nin dhoofiyo Ninkii degan dhulkii hooyo Nin dhergiyo nin dhowr qaday Aan dheef hayn Dhedig iyo laboodba Hawli kama dhamaatee Qof walibaa wixii dhibay Dhafoorkay ku taalaa Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Anba kuguma dhaafeen Haday taadu dheelido eh Maxaa dhacay dhankaagay Ka jiiftaa dhaliishuye Ma dhiirado nimaan garab Wax lagula dhisaynine Nafta dhool hilaaciyo Dhibic baa u muuqdee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Jacaylkeediii dhuuxiyo Lafaha wuu u dhaadhacaye Dhulkoo doog dhir iyo ubax Dhamaan hadheeyeen Dhawristeeda oo qudha Ayaan dhawr ku qadayaa Wali dhaban mid kula mida Kama dhalanin adduunkee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa

Faallooyin (1)

ALI October 20, 2026

TIJAABO